Dowladda Ingiriiska oo Somali-land Ugu Digtay in Dib Loo Dhigo Doorashada  Maamulkaas

0

Dowladda ingiriiska ayaa maamulka Somali-land ugu digtay in dib loo dhigo waqtigii loogu talagalay doorashada madaxtooyada oo loo qorsheeyay  in ay dhacdo bisha March sanadka 2017-ka.

Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya danjire Andrew Allen, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land ayaa  wuxuu reer Somaliland ku dhiirigeliyay inay sii ambo qaadaan nidaamka dimuqraadiyadeed oo ay Somaliland ku heshay sumcad waa siduu hadal u dhige, waxaanu  uu sheegay inay adduunyadu si weyn uga xumaaday talaabadii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada Maamulkaas.

“Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waa iftiin gobalka ku yaala.” ayuu yiri safiirka ku xigeenka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya danjire Andrew Allen oo warbaahinta kula hadlay Magaalada hargeysa.

Madaxweynaha Maamulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhawaan soo saaray warsaxaafadeed ayaa u cuskaday qodobo dhowr in dib loo dhigay Doorashooyinka Golaha Wakiillada maamulkaas oo xiligii la filaayay dib kaga dhacday.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here