Koox sheegatay in ay ka tirsanyihiin kooxda daacish islamarkaana shaley la wareegtay gacan ku heynta Degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa xaley isaga baxay degmadaasi.
Wararka ka imaanaya qandala ayaa ku waramaya in saakay xaalada deegaankaasi ay degen tahay,waxaa degmada meel aan ka fogeyn shaley soo gaaray ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka puntland.
Dadka deegaanka ayaa saakay ku waabariistay degmada qandala oo gacan maran islamarkaana aysan ku sugneyn ciidamo ka tirsan kuwa daacish oo shaley xoog ku qabsaday degmadaasi.
Puntladn ayaa waday qorshe ay si xooga kala wareegeyso kooxdaan daacish ka tirsan degmada qandala lamana ogo u jeedka ka danbeeyay waqti kooban ee kooxdaan ay gacanta ku hayeen degmada qandala.

