Masar oo Sare u Qaadeysa Heshiiska Waxbarasho ee kala Dhaxeeya Soomaaliya

0

Dr. Hilali Sherbini oo ah wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Masar ayaa sheegay maanta in heshiiskii waxbarasho ay wada gaareen dowladaha Masar iyo Soomaaliya tirsigiisuna ahaa (15-ka) uuna ahaa Digreeto lambar (265) lix 2014. In ay sii xoojiyaan dhankooda.

Dr. Hilali ayaa xusay in dowladda Masar ay dib u eegis ku sameysay qaabka waxbarasho ee Soomaaliya waxa uuna sheegay in haatan ay dib usoo laabaneyso tayada waxbarasho ee ka jirta Soomaaliya.

Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in ay Xukuumadda Masar ay sii laba jibaari doonto deeqaha waxbarasho ee bilaashka ah (Lacag la’aanta ah) oo ay siinayaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Dr. Hilali Sherbini oo ah wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Masar ayaa sheegay in shir ka dhacay wadanka Tunisia loogana hadlaye waxbarashada wadamada Carabta lagu soo hadal qaaday heerka waxbarasho Soomaaliya halka uu gaarsiisan yahay.

Dowladda Masar ayaa heshiis waxbarasheed fac weyn la leh Soomaaliya iyadoona Jaamacatul Azhar ay wax kusoo barteen kaadiriin Soomaaliyeed waxa ayna Masar kamid tahay dowlado 2014-kii Soomaaliya u balan qaaday in ay ka taageerayaan arimaha waxbarasho.

Dowladaha sida gaar ah waxbarashada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ugu taagaaray waxaa kamid ah: Masar, Turkiga, Ethipia iyo dowlado kale inkastoo Turkiga uu yahay dalka ugu badan ee deeqaha waxbarasho siiya Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here