Wararka aynu ka heleyno deegaanka N-50 ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal cusul uu xaley deegaankaas ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya iyo kuwa al shabaab.
Dagaalka oo aad u xoogan ayaa abaaro 1:00 habeenimo waxa ay al shabaab ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada ay ku lahaayeen deegaano kaaabiga ku hayo N-50.
Dadka deegaanka ayaa idaacadda simba u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa risaas xoogan oo ay labada dhinac is weydaarsanayeen mudo ku dhow saacad.
Lama ogo qasaaraha rasmigia ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka ka dhacay gobolka shabeelaha hoose balse al-shabaab ayaa mudooyinki la soo dhaafayay waxa ay weeraro ku qaadayeen fariisimada ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ay ku leeyihiin gobolka shabeelaha hoose

