Faah-faahin:-Dagaal Wali ka Socday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

0

Dagaalo la isugu gabal dhacsay una dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalkaan  u dhaxeeya Ciidamada Labada Maamul ayaa la sheegay in uu  bilowday kadib markii xiisada u dhaxeysa  Labada maamul ay sii korortay, taasina ay sababtay in labada dhinac uu markale Dagaalkooda ka Qarxo Magaaladaas.

Dagaalkana ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida idaacada simba ay u sheegeen dadka halkaas ku sugan, arintaan ayaa sidoo kale u muuqata mid jabinaysa heshiis hordhac oo shalay ay wada gaareen waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ilaa haatan si dhab ah looma ogo qasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here