Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta lagu soo dhaweeyay labo kamid ah Ugaasyadii ka biyo-diidsanaa ka qeybgalka shirkaasi.
Ugaasyada Maanta Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle lagu soo dhaweeyay waxaa kamid ahaa ugaas Cali Ugaas Muxumad Shafeec Iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Raage.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaliya Mudane Cabdirxmaan Xuseen Odawaa ayaa wafdiga Ugaasyada ku qaabilay Xarunta Maamulka Gobolka ee magaalada Jowhar, waxaana wasiirku tilmaamay in ay aad usoo dhawaynayaan ugaasayada soo garay Jowhar si ay ugu biiraan dhameystirka dhismaha Dowlad Gobaleed Hirshabeelle.






