Faadumo Kiin “Dhallinyarada ku Xiran Hindia Mudo Lix bil ah iyaga ayaa Jeebkooda Ka iibsanayay Cuntada+Dhageyso

0

Sahra Kiin Cabdi Xirsi oo Xubin  ka ah Ururka Wadaniga  Soomaaliyeed ee Wadanka india oo la hadashay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegtay in Tacadiyo iyo dhibaatooyin fara badan ay la kulmaan  Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalkaas kuwaasi oo Tiradoodu ay gaarayso 118-Ruux .

Sahra Kiin oo Xubin  ka ah Ururka Wadaniga  Soomaaliyeed  ayaa Sheegtay in labo ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed  ee u Xiran Dowlada India in ay ku Dhinteen Xabsi ku yaala wadankaasi ka Dib Tacadiyo ay kala Kulmeen Xabsigaas  islamarkaana Maxkamadeyntooda ay bilaaban doonto 30-Bishaan September.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in dowladda ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India dib dalka loogu soo celiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan SHiikh Maxamuud  ayaa sheegay in Soomaalida ku xiran magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra uu arintooda kala hadley Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi, isla markaana labada dal uu haatan u socdo wadahadal dhanka sharciga ah oo arrintan lagu xalinayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here