Allaha u naxariistee C/casiis Maxamed Cali (Xaaji), oo ka Mid aha shaqaalaha Idaacadda Shabeelle oo shalay koox hubeysan a ku dileen Xaafada Jiiro Garoob ee Degmada Yaaqshid ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Khabuuraha Iskuul Polizio ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Aaska Marxuum C/casiis Maxamed Cali (Xaaji), ayaa waxaa ka qeyb galaya Wariyayaasha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya , Mas’uuliyiin dowlada Soomaliya iyo qaar kamid ah eheladiisa.
Rag la socday mooto Bajaaj, ayaa waxay ku toogteen wariyaha maqaaxi uu shaah ka cabaayay oo ku taala Xaafada Jiiro Garoob ee Degmada Yaaqshid, iyagoo shan xabadood kaga kala dhuftay madaxa iyo feeraha.
Dhanka kale Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wariye Xaaji, waxayna laamaha ammaanka dowlada Soomaliya ay ugu baaqeen in cadaaladda la horkeeno dembiile-yaashii ka dambeeyay dilka wariyaha.
“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheleda iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum C/casiis Cali Maxamed (Xaaji). ma Dhinte waa Allah ,qof waliba oo dunida guudkeeda joogana saacad buu leeyahay ,lagamana hormarinayo lagamana dib dhigayo. Naf waliba moodka wey dhadhamin sida uu nusuuta ku cad”, ayuu yiri Xoghayaha Urur Nusoj Maxamed ibraahim Macalimuu oo la hadlay idaacada Simba.

