Michael keating:-“Qaramada Midoobay Way Ka Niyad Jabsan Tahay Dib U Dhaca Waqtiga Doorashada Soomaliya”

0

Qaramada Midoobay  ayaa sheegtay in ay  rajaynayso in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka  in ay u dhacdo qaab hufan oo la aaminikaro inkastoo waqtigiisa loogu talagay  mar kale dib kaga dhacday.

Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee arrimaha Soomaliya Denjire  Michael keating  ayaa sheegay in Qaramada Midoobe ay ka wal walsantahay dib u dhacyada isdaba jooga ah ee ku yimid doorashada Somaliya .

Michael Keating ayaa tilmaamay in dib u dhacaan cusub ee doorashada ku timid ay Qaramada Midoobay ay aad uga cabsi qabto in siyaasad ahaan looga faaiiedeysto waxaana uu sheegay in arrintaan uu u gubiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Maalintii Isniintii Todobaadkaan ayay ahayd markii Guddiga Doorashooyinka Dadban ee sanadkaan 2016-ka  ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada illaa iyo bisha November ee soo socota waxaana ay arrintaas ku sababeeyeen ammaan daro iyo dhibaatooyin dhinaca maamulka oo wali jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here