Dhageyso:-Dowladda Soomaliya oo Lagu Eedeeyay in Aysan Diyaar u Aheyn Go’doon Laga Qaado Degmada Buulo-barde.

0

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowlada soomaaliy diyaar aysan u aheyn in go’doonka laga qaado Degmada buulo-barde.

Cabdulaahi Barre oo ka Mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ka Howlgala Gobalka Hiiraan oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Dowlada Soomaaliya ku Eedeeyey inay Daacad u aheyn Go’doominta laga Saaro Degamada Buulo-Barde Mudo Badan u Go’doonsan Al-shabaab Xayaraad saaray Dhaq-dhaqaaqa Gaadiid ka Dhulka ee Xamuulka u kala qaada Qeybaha kale ee Gobalka Hiiraan iyo Gobalada la dariska ah.

Sarkaalkaan u hadlay Ciidamada Dowlada ee Gobalka Hiiraan ayaa Sheegay  in Dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay Labo Arimood Muhiin u ahaa Wax ka qabashada Xaalada Cakiran Sanadahaan ee Buulo-barde oo kala ahaa In Dowlada ay Ciidamo Dheeraar ah ay u Dirto Buulo-barde iyo inay Hirgaliso Sidii Ciidamada ay fariisimo Hor leh uga Sameysan la haayeen Jihooyin Cusub oo hoostaga Degamadaasi.

Cabdulaahi Barre oo sii hadlayay ayaa Tilmaamay in Dagaalyahano Ajaaniib oo aan wali Cadadkooda la Shaacin islamarkaana  ka tirsan Al-shabaab ay ku Sugan yihiin Deegaano Hoostaga Degamada Buulo-barde kuwaasi oo uu ku Eedeeyey inay Dhibaatooyin ku hayaan Dadka Deegaanada Miyiga ah oo Xoola Dhaqato u Badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here