Ciidamada Amaanka Kenya oo Baadi-goobaya Laba Nin oo Ku Lug Lahaa Weerarkii Magaalada Mombasa.

0

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa wali baadi goobaya laba nin oo lagu tuhunsanyahay in ay wadeen saddexda dumarka oo geestay weerarkii fashilmay ee dhawaan lagu qaaday saldhiga dhexe ee Booliska Magaalada Mombasa.

Ciidamada dambi-baarista Kenya ayaa tilmaamay in ragaan la baadi goobayo  ay haweenka weerarka geystay ay saldhigga ku geeyeen mootada bajaajka (Tuktuk) waxa loo yaqaano  laakiin dhigtay, meel ka baxsan saldhiga halka dumarku eey lug kusoo galeen saldhiga, iskastoo markii ay toogasho ku dileen Ciidamada Booliska Magaalada Mombasa.

Dhanka kale Baarayaasha ayaa eegaya muuqaalada video ee dukaamo u dhow saldhiga si ay u aqoonsadaan ragga, kuwaas oo baxsaday daqiiqado ka dib markii rasaas ka bilaabatay saldhigga halkaa oo laba ka mid ah dumarka toogasho lagu dilay halka mida saddexaadna u dhimatay dhaawacyo ka soo gaaray gubashada.

Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa dhawaan amar ku bixisay in xabsiga lagu sii hayo 3-haween ah oo mid ah ay tahay dhagool  xili loo heysto eedeemo la xiriira in ay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaaday saldhig boolis oo ku yaala Magaaladaas.

Eedeysanayaasha haatan gacanta lagu hayo oo lagu kala magacaabo Shukri Ali Haji oo dhega la Naema Mohammed Ahmed iyo Saciida Ali Haji ayaa la qabtay Axaddii aynu soo dhaafnay ka dibna xabsiga la dhigay markii xeer ilaaliyaha maxkamadaMgaaalada Mombada uu sheegay in aysan sii wadi karin kiiska, sababtoo ah tuhmanayaasha oo aan fahmi karin ingiriisiga ama Kiswahili, halka mid ka mid ahna dhegaha ladahay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here