Ergada Maamul U Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo kulan ka Yeelanaya Saami Qeybsiga Baarlamaanka

0

Ergada ka qeyb galeysa shirka ka soconayo Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  ayaa maanta kulan ka yeelanaya qaabka ugu macquulsan ee loo qeybsanayo tirada xubanaha baarlamaanka.

Nabadoon Max’ed Yacquub Isxaaq oo ka mid ah Ergada Gobalka Hiiraan ee ka qeyb galaya Shirka Jowhar oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Urur Gobaleedka IGAD ay Cadaadis ku saarayaan  Odayaasha Dhaqanka Labada Gobal inay Si deg deg ah ay u soo Xulaan Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka la doonayo in loo Dhiso Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Nabadoon  Yacquub ayaa Xusay in ay la kulnmeen Xubno Matalaya IGAD iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka wada Hadleen sidii Odayaasha Dhanka Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay Beelahooda uga soo Dhex xuli la haayeen Xildhibaanada Maamulka Gobaladaasi loo sameynayo.

Dhan kale Nabadoon  Yacquub Max’ed Yacquub Isxaaq ayaa Cadeeyey in Shikra Jowhar ay ku Dhex jiraan Gacmo Shisheeye islamarkaana Qorshaha Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uusan Ganacta ugu Jirin Duubabka Dhaqanka Matalaya Qabaa’ilka Daga Gobaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here