Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay xaafada Chelsea ee magaalada New York ee dalka Mareykanka sida ay sheegeen saraakiisha magaladaas.
Qaraxyadaan oo ahaa labo qarax ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen 29 ruux oo la tilmaamay in hal qof oo ka mid ah xaaladiisu ay aad u liidato inkastoo qarxa labaad aan la sheegin wax qasaaro ah oo uu geystay.
Lama sheegin illaa iyo hadda waxyaabaha rasmiga ah ee sababay qaraxaas balse duqa magaalada New York ee dalka Mareykanka Bill de Blasio ayaa ku tilmaamay qaraxyadaas in ay ahaayeen kuwo ulakac ah waxaana uu intaas ku daray in aan la ogeyn in ay xiriir la leeyihiin fal Argagixiso.
Qaraxyadaan ayaa waxaa ay dheceen saAcada gudaha ee dalka maraykanka markii ay ku beegneed 21:00,waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen in uu ahaa qaraxa ay dadku ku dhaawacmeen mid aad u xoogan.


















