Wararka imaanaya gobolka hiiraan ayaa ku waraaya in saakay xiisad dagaal ay ka taagan tahay deeganka Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Xiisad ayaa u dhaxeyso ciidamada dowlada soomaaliya kuwa al shabaab waxana jewiga deeganka saakay uu yahay mid ka gedisan sidi hore dadkana waxa ay dareemayaan cabsi xoogan.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya ayaa soo buux dhaafiyay deegaanka moqokori iyadoona dhinaca kale tuulooyin ku dhow deegaanka ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa al shabaab.
Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Simba u sheegay in moqokori saakay ay tahay mid haawaneysa oo cidna aysan gacanta ku heyn.
Al shabaab ayaa shaley sheegay in qabsadeen deegaanka moqokori ka dib marki ay isaga baxeen shaley subax ciidamada Itoobiya.

