Xili xaley lagu qabtay magaalada muqdisho munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka dowlada 4-sano ee la soo dhaafay islamarkana uu ka qeyb galey Madaxweynaha waqtigiisa uu idlaaday Xasan sheikh maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada waqtigeeda uu idlaaday ayaa waxaa munaasabada lagu iftiimiyay wayaabihi dowlada ay qabatay mudadi ay jirtay.
Mas’uuliyiinti ku sugneyd xaflada ayaa qudbado kala duwan igana ka jeediyay goobta waxa ayna ka hadleen marxaladihi cuslaa ee ay wajahday dowalda xiligeda uu dhamaaday.
Madaxweyne Xasan shiikh ayaa waxa uu goobta ka sheegay in waxyaabaha muhimka ee uu qabtay ay ka mid yihiin kala ilaalinta awoodaha ama laamaha kala duwan e ee dowlada waxana uuna ku faanay in waqti uu geliyay sida dowlada uu madaxda ka aha 4-sano u guuleysan laheyd.
Xasan shiikh ayaa waxa uu carababay in 6-tiir ee waxqabadkiisa kamid aheyd in wax badan uu ka taabtay tiirarkaasi islamarkaana maanta uu mudan yahay in markalae la doorto isaga.
Xuquuq qoraaleedkan waxa leh Radio Simba

