Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa ka Digay Cawaaqib Xumada Colaad ka Dhalan karta Furitaan Shirka Magaalada Jowhar ee Maamul Usameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Nabadoon Dacar Xirsi Nuur Gudoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inya aysan ka Qeyb gali doonin Shirka Jowhar waxa uun Xusay inya ka Walwalsan yihiin Colaad ka Dhalata Muran iyo Khilaafka Hareeyey Qorshaha Dhismaha Maamulka labadaasi Gobal.
Nabadoon Dacar ayaa Sheegay Dowlada Soomaaliya iyo Wakiilka Urur Gobaleedka IGAD Doonayaa inya Qasab ku Dhisaan Maamul aan ku imaan Rabitaanka Bulshada taasi oo Muujinaysa in la jabiyey Dastuurka ku Meel ka ah ee dalka u yaala qoraya in Dhisamaha Maamul Gobaleedyada loo Marayo Rabitaanka Bulshada.
Halkaan ka dhageyso codka

