Dibad bax loga soo horjeedo Dadka Itoobiyaanka ah oo Maanta ka Dhacay Magaalada Garowe

0

Waxaa manta magaalada Garowe ka dhacay dibad bax logasoo horjeedo dadka itoobiyaanka ee maalmihi la soo dhaafay ku qul qulayay magaalooyinka waa weyn ee puntland.

Boqolaal qofood oo boorar wata ayaa siagu soo baxay maanta wadooyinka waa weyn ee magaalada Garowe waxa ayna dadka ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo hor jeedaan dadka itoobiyaanka ee mudooyinki la soo dhaafay deegaameysanayay deeganada puntland.

Dad dibad baxayay oo warbaahintakula hadlay Magaalada Gorowe ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay ku eedeyen dadka Itoobiyaanka ee ee kunol garowe una badan qowmiyada Oramada in ay yihiin dad basaasiin islamarkaana saameyn ku yeeshay isdhex galka bulshada.

Halkaan ka dhageyso codadka Banaanbaxayaasha

Xuquuqda qoraal wareedka waxa leh Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here