Madaxweynaha Dowladda soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa uu haatan ka qeyb gelayaa munaasabad balaaran oo dhinac socoto shirka maamul u sameynta gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Munaasabada ka socoto magaalada jowhar waxaa sidoo kale qeyb gelaya odayaal ka kala socda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Waxaa maalmihi la soo dhaafay magaalada jowhar si gooni gooni ah ugu soconayay qorshe lagu soo xulayo xilibaanada uu yeelanayo maamulka loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe waxana magaalada ku sugnaa todobaadyadi la soo dhaafay mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladda soomaaliya si ay u qanciyaan odayaasha tabashooyinka qaba.
Waxaa marar badan muran uu ka dhashay awood qeybsiga maamulka la sameynayo waxana hore shirka u laalay oo si rasmi kaga soo horjeestay qaar kamid ah Ugaasyada ka soo jeedo gobolka Hiiran.
Madaxweyne xasan sheekh ayaan la ogaan Karin waxa uu ka badeli karo marxaladi hakadka gelisay mideynta gobolada hiiraan iyo shabeelada dhexe balse madaxweynaha ayaa haatan isku dayaya in xal waara laga gaaro arimaha muranka badan geliyay eehor istaaga badan geliyay shirka.
Beelaha qaar ee dega labada gobolka ayaan la dhacsaneen sida haatan ay wax u socdaan lamina garan karo go’aanada ay ka qaadan karana qaabka loo soo xulayo xilibaanada uu yeelanayo baarlamaanka u sameysmaya gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe xili jowhar maanta uu gaaray madaxweynha dowlada soomaaliya ee waqtigiisa uu dhamaaday.
Xuquuqda qoraal wareedkan waxa leh Radio Simba

