Muhaajiriin ay Somali ku jiraan oo Laga Soo Badbaadiyay Badda Mediterranean-ka

0

Ku dhawaad 6,500 qof oo ah Muhaajiriin ay Somali ku jiraan ayaa lagasoo bad baadiyay badda Midhatareyenka gaar ahaan meel ka baxsan xeebaha dalka Liibiya.

Illaalada xeebaha dalka talyaniga ayaa sheegay in dadkaas ay kusoo bad baadiyeen mid ka mid ah hawlgalkii ugu weynaa oo ay ka sameeyeen badda Midhetareyanka hawlgalkaas ayaa ka dhacay meel ka baxsan xeebta magaalada Sabratha,ee dalka liibiya.

Muqaalo ay soo bandhigeen warbaahinta ayaa mujinaya dad aad u badan oo saaran doon buuxdhaaftay iyo kuwa kale oo dabaalanaya ayaga oo wata jaakadaha dabaasha,  dadkaan sidoo kale waxaa ku jira  dad wata caruur yar yar,dad qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka yimaadeen wadamada Somaliya iyo Eretria.

Axadii lasoo dhaafay ayaa isla meeshaan waxaa laga soo bad baadiyay tahriibayaal gaara 1,100.

Sanadkii lasoo dhaafay in kabadan 1m oo muhaajiriin ah oo kasoo cararay meelo ay ka mid tahay siiriya ayaa gaaray wadamada qaarada Yurub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here