Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in aysan dib u dajin u sameyn doonin qaxootiga Soomaliyeed ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga kenya sababo la xiriira in loogu baxay ballan horey looga qaaday oo aheyd in dadka la soo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin marka ay gudaha Soomaaliya ku soo noqdaan.
Wasiirka amniga maamulka Juballand Max’ed Warsame Darwiish oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubba-da Hoose ayaa sheegay in wixii xiligaan ka dambeeya aysan qaabili doonin wax la yiraahdo qaxooti soomaliyeed madaama loogu baxay balamo ay la galeen dhinacyada ku shaqa lahaa dib usoo celinta Qaxootiga.
Max’ed Warsame Darwiish ayaa tilmaamay in qodobada lagu heshiiyay ay qeyb ka ahaayeen In qaxootiga soomaliyeed ay helaan xuquuqda aasaasiga, iyo Mustaqbal wanaagsan marka la keeno dalkooda hooyo.
Deeeganada Maamulka Jubba-land ayaa kamid ah goobaha la geyn doono qaxootiga soomaliyeed marka laga soo celiyo xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

