Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa xalay ku dagaalamay deegaano fara badan oo ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaaladan ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay ka dhaceen deeganada ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose sida Lambar Kontan, Muuri iyo Deegaanka Aala Yaasir oo ka tirsan Gobolkaasi, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaabka oo isa soo abaabulay ay weerar ku qaadeen deeganadaas.
Dagaalyanahada Xarakada Al-shabaab oo weeraka qaaday ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaanka Aala Yaasir ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ciidamadii Dowladda ka tirsanaa ee halkaasi joogay ay ka carareen.
Ilaa haatan si dhab ah looma ogo qasaaraha ka dhashay dagaalada xalay ka dhacay deeganada ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

