Wasiirka Caafimaadka: “Dadkii Dhaawacyada Halista ah ay Soo Gaareen Dibada Ayaa Loo Qaadi Doonaa”+Dhageyso

0

Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in gargaar caafimaad oo dhanka Dibada ah loo qaadi doono  dadkii maanta ku dhaawacmay weerar ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday afafka hore ee Madaxtooyada Soomaliya.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaliya Dr: Maxamed Xaaji C/nuur oo warbaahinta kula hadlay Gudaha isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay garab taagan tahay dadkii ku dhaawacmay weerarka islamarkaana dadkii ay soo gaareen dhaawacyo daran si deg deg ah loogu qaadi doono dhanka dibada.

Dhanka kale Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in isbitaalka la geeyay 28 qof oo ku dhaawacantay weerarkii ismiidaaminta ee  ka dhacay inta u dhexeysa ilinka Madaxtooyada Qaranka iyo Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

25 qof oo isugu jirta askar iyo rayidba, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee maanta lagu qaaday afafka hore ee xarunta Madaxtooyada soomaliya sidoo kalana qasaaro gaarsiiyay Hoteel ka ak dhawaa Madaxtooyada Soomaliya.

Mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee lagu qaaday afafka Hore ee Madaxtooyada soomaliya waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab aysan soo bandhigin xog ku aadan sida uu weerarka u dhacay iyo qasaaraha uu geystay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here