Maamulka puntland ayaa soo bandhigay Magacyada iyo Sawiradda rag ay sheegeen in ay ka Tirsan Shabaab islamarkaana ay soo Abaabuleen weerarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Maamulka Puntland.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyada raga la sheegay In ay ka Tirsan yihiin xarakada Al-shabaab sidoo kalana kasoo jeeda Gobolka Mudug kuwaasi oo ka dambeeyay weerarkii magaalada Gaalkacyo ka dhacay bishaan Gudaheeda.
Sidan ayuu u Qornaa War-Saxaafadeedka kasoo baxay Puntiland
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo shaqsiyaad ka tirsan kooxda al-shabaab ee geystey qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku bur-burtay hanti tiro badan.
Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo magacyada ururka Al-shabaab ee falkaasi ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.
1.Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED” Da’diisa: 40-45 sano jir,ku dhashay Gaalkacyo, Beeshiisa Cumar Maxamuud/ Reer Mahad, Shaqadiisa Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.
2.Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ” Da’diisa 45 sano jir, ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle,Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.
- Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf oo ku dhashay Gobolka Mudug, Beeshiisa Dir/ Qubeys.
4.Cabdishakuur Mire oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa Sacad/ Reer Nimcaale.
5.Muxiyadiin Dakharre oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo, Beeshiisa Sacad / Reer Hilowle.
Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca shaqsigii isku isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaarigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey.
Cabdullaahi Fanax oo da’diisa: 22 Sano Jir ku dhashay Ceel-waaq Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.



