Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Gaaray Magaalada Jubba ee Caasimada Koonfurta Suudaan

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gaaray magaalada Caasimada u ah dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, isagoo kula kulmi doona Magaaladaas madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir wuxuuna kala hadli  doonaa Sidi looga mira dhalin laha nabad waarta dalkaasi .

Safarkiisa Magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Suudaan  waxaa ku wehlinaya Wasiirka Arimaha Dibada Kenya  Amina Mohamed Jibriil iyo Wasiiro kale waxaa garoonka Caalamiga ee Jubba kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudan  Mudane Taban Deng Gai.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo loo magacaabay dhawaan  dhexdhexaadiyaha geeddi-socodka nabadda IGAD ee Konfurta Sudan, iyo dhigiisa ayaa ka hadli doona horumarka dhaqangelinta heshiiska nabada oo dhamaystiran.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here