Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa maanta qabtay askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo iibinayey shidaal.
Saraakiil ka tirsan Taliska Hay’adda Nabad Sugida ee NISA ayaa sheegay in labo askari oo ka tirsan AMISOM la xiray ka dib markii la qabtay, iyagoo wata gaari ay shidaal ku soo qaateen si ay ugu iibiyaan gudaha magaalada.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in Labada askar ee la qabtay maalmihii dambe lagu daba jirey ugu dambeena maanta ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed.
06/05/2016-ka ayay aheyd markii ciidamada Booliska dowlada soomaliya ay gacanta ku dhigeen Askartaan iyagoo shidaal iyo qalabyo kale ku iibinaya Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale lala soo qabtay 10-qof oo soomali ah oo gacan ku siinayay iibinta qalabka.
Qaar kamid ah askartaas ayaa lagu Maxkamadeeyay gudaha muqdisho

