Kornel Bishaar Abshir Geedi:” Waxaan Qabanay Askar Dhaawacday Dad Shacab ah iyo Mas’uul La Socday”,

0

Qaar kamid ah ilaalada Mas’uul ka Tirsan Dowlada Soomaliya ayaa maanta rasaaseeyay dad shacab ah oo marayay wadada hormarta dekeda magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Kornel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay qabteen gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda iyo ilaaladii saarneed gaariga, kuwaas oo rasaaseeyay dad shacab ah oo marayay wadada hormarta dekeda magaalada Muqdisho.

Kornel Bishaar Abshir Geedi Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ay haatan baaritaano ay ku hayaan Mas’uulka iyo ilaaladiisa islamarkaana dadkii ay dhawaceen la geeyay qaar kamid ah isbitaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here