Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay bilaawdeen xujeyda sanadkaani xajineysa ee gaaraya magaalooyinka barakeysan ee dalkaasi.
Teleefishinta ku hadla afka Sacuudiga ayaa dood ka baxday oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Xajka ee sacuudiga waxa ay ku sheegeen in magaalooyinka barakeysan ay geeyeen qalab casri ah oo lagula soconayo xujeyda sanadkaani.
Khaalid Al-Cowfi waa madaxa guud ee aaladaha carsigaani oo ay boqortooyada sacuudiga u xil saaratay qalabkaan waxa uu sheegay in sanadkaan is badal weyn lagu sameeyay dhanka xajka.
Khaalid Al-Xarbi oo ah madaxa garoonka diyaaradaha Boqor C/Caziiz ee ku yaala Magaalada jiddeh ayaa shaaciyey in qalabkaani uu yahay mid wax badan ka badali kara xaaladaha dadka xujeyda oo xiliyada qaar aad isku ciriiriya.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in dowladda Sacuudiga iyadoo ka duuleysa dhacdooyinkii sanadkii tagay ay ku waxyeeloobeen xujeey fara badan ay sanadkaani qalabkaani u keentay.
Sanad waliba waxaa Xajka aada malaayiin musliyiim ah kuwaa oo ka kala taga wadamada caalamka waxaana sanadkaani Soomaaliya u xajinayo xujeey fara badan.
waxaana xusid mudan in muwaadiniin soomaaliyeed ay ku waxyeeloobeen sanadkii tagay xajka kadib markii uu kusoo dumay mid kamid ah wiishashka xajka iyo isbuurasho dhacday xiligii dhagax tuurka.

