Madaxwayne ku xigeenka Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay oo maanta shir Jaraaid ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa si kooban ugu hadlay warqad dhawaan xafiiskiisa kasoo baxday oo lagu Mamnuucay Gaadiidka Puntland kaga imaanayay dhanka Koonfur iyo Bartamaha dhulka Soomaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland MudaneC/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inaysan Puntland cidna ku dhibaataynaynin warqadii wareegtada aheyd ee kasoo baxday Xafiiskooda sidoo kalana aysan qofna gorgortan kala galaynin sugida amniga deeganada Puntland.
Dhanka kale Madaxwayne ku xigeenka Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa tilmaamay in cidii kasoo horjeysata amarada Maamulka uu soo saarayo loo arki doono In ay garabsiinayaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Puntland.

