Walaalka Orodyahanka Mo Farah oo Wajahaya Eedeemo La Xiriira in uu ku Lug Lahaa Weerar Midni Loo Adeegsaday

0

Ahmed Faarax oo ah Walaalka la dhashay Orodyahanka Britain Maxmed Faarax oo 27-sano jir ah, ayaa waxaa dalka Ingriiska laga geeyay 25 sano ka hor  xiligigaas oo uu jiray 2 sano oo kaliya, Waxaana uu ku eedeysanyahay lugtii uu ku lahaa weerar midi loo adegsaday oo ka dhacay dalka Ingiriiska.

Axmed Faarx ayaa hadda waxaa uu ka cabsi qabaa in dib loogu soo celiyo dalka Somaliya ayadoo horay loogu xukumay xabsi gaaraya 4 sano iyo bar islamarkaana la sheegay in ay suurto gal tahay in laga masaafuriyo dalka Uk oo dib loogu soo celiyo dalka Somaliya.

Xili uu la hadlayay jariirada lagu magacaabo Sunday Mirror  ee kasoo baxda dalka Ingiriiska waxa yiri “kuma laabankaro dalka Somaliya aad ayaan uga cabsanayaa in aan ku laabto halkaas”

Ahmed Faarax waxa uu ku noolyahay hada guri ku yaala bariga Magaalada London ee dalka Ingiriiska  waxaana uu sheegay in walaalkiis Mo farax uusan mudooyinkaan lasoo xiriirin inkastoo uu taageersanyahay Guulaha uu kasoo Hooyay Ciyaaraha Olombikada ee sanadkaan lagu qabtay dalka Brazil.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here