Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo u waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Sida Dastuurka KMG uu qorayo ee Dalka ay Sii Shaqayn Doonaan Baarlamaanka Hada Jira inta laga Soo Dhisayo Golaha Baarlaaman Cusub ee ku Imaanaya Doorashada Dadban ee Dhamaadka Sanadkaan Qorshuhu uu yahay inay ka Qabsoonto Soomaaliya.
Xildhibaan Goodir ayaa Meesha ka Saaray in Baarlamaanka Hada jira uu yahay Hay’ad Magac u yaal ah oo Awoodii laga Qaaday isla-markaana aan wax saameyn ah kula hayn Wadada loo marayo Isbadalka iyo Siyaasada lagu Wajahayo Hanaanka Doorashooyin Dalka waxa uuna Cadeeyey Baarlamaanka uu sii wadan doono Howlihiisa Shaqo inta laga soo dhisayo Mid badala.
Xildhibaan Goodir waxaa wax laga Weydiiiyey Waxa Golaha Baarlamaan Soomaaliya uu kala Socdo lacago sida la Sheegay Sharuuc looga Dhigay Dadka u tartamada Kuraasta Labada Aqal ee Baarlamaanka soo socda taas ay Dhawaan ku Heshiisyeen Hogaamiyaasha Madasha Wada tashiga Qaranka oo Go’aamiyey in Qofka u Tartamaya Aqalka sare laga qaado lacag gaaraysay 10-kun oo Doollar halka Aqalka Hoose laga qaadayo 5-kun oo Doollar-ka Maraykanka ah.
Maxamed Maxamuud Goodir ayaa Waxa uu Sheegay in lagactaas Meel marinteeda aan Baarlamaanka la Horgayn Balse Daruufta Dhaqaale ee jirtay Awgeed loo baahan yahay in lagacaha dadka laga qaadayo ay Noqdaan kuwa Qeyb ka noqda Miisaaniyada loogu talo galay Hirgalinta Doorashooyinka.

