Madaxweynaha “Siyaasada Cusub ee Qarniga 21-aad iyo Dowladnimada Soomaaliya Hub Badan iyo Madaafiic Uma Baahna”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud ayaa ka Digay in Xoog lagu Raadiyo Xilka Madaxtinimo Doorashooyinka lagu Wado inay Dalka ka Qabsoomaan Dabayaaqada Sanadkaan 2016-ka  oo dalka Doorashooyin Dadban oo  aan Nooceeda horay loo arkanin ay ka dahacayso.

Madaxweyne Xasan ayaa Sheegay Siyaasada Qarnigaan ay tahay mid ku Salaysan in la Adeegsado Aqoon iyo Waayo Aragnimo Siyaasadeed Waxuuna Xusay in laga Soo Gudbay Waqtigii Madaxtinimada Soomaaliya lagu Raadin jiray Madaafiic iyo Xoog la Adeegsado.

“Siyaasada Cusub ee Qarniga 21-aad iyo Dowladnimada Soomaaliya Hub badan iyo Madaafiic uma baahna in lagu raadiyo ee Waxa ay u Baahan tahay Aqli, Xigmad, Talo wadaag Doodo, iyo Daganaasho taas waa Sababta aan u Xeerinay Aniga iyo Axdigayga in Mar walba Wada tashiga iyo Wada Ogolku ay Noqdaan Tiirka Dhexe ee Siyaadada dalka lagu hagayo iyo Dowladana lagu Dhisayo Soomaaliya” Ayuu Yiri Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha  ayaa dhanka kale Tilmaamay Dowladiisa Mudadii ay Jirtay ay Qabatay intii Awoodeedu ay Gaar siisan tahay ayna Jiraan Howlo badan oo mudnaa in la qabto Bale aysan u Suurto galin Daruufo jira Awgeed waxa intaa hadalkiisa Sii Raaciyey in Soomaaliya hada ay marayso meel wanaagsan isla markaana ay u baahan tahay oo Kaliya Siyaasad ku Dhisan Danta Guud ee dadka  iyo Dalka Soomaaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here