Madaxweyne ku-xigeenka Jubba-land oo Wada Qorshe uu Xilalka Uga Qaadayo Mas’uuliyiinta Degmada Beled-Xaawo

0

Madaxweyne ku Xigeenka Koowaad ee Maamulka  Jubba-land Maxamuud Sayid Aadan ayaa wada Qorshe uu Xilalka uga qaadayo Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Beled-Xaawo ee Gobalka Gedo isla-maarkaan uu Maamul Cusub ugu Soo Magacaabayo Degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Gedo Shiikh Maxamed Xuseen isxaaq (Alqaadi) oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Xaqiijiyey in Xilalka laga qaadayo Xubnaha Maamulka Degmada Beled-Xaawo waxuuna  Xusay in Madaxweyne ku Xigeen Jubba-land Maxamuud Sayid Aadan uu ku Howlan yahay la tashi uu la Sameynayo Bulshada Degmada Beled-Xaawo si loo dadajiyo Dhisamaha Maamulka Cusub ee loo Dhisayo Degmadaas.

Shiikh Maxamed Xuseen isxaaq (Alqaadi) Ayaa Beeniyey Xiisad Dagaal oo looga Soo Horjeed Xubnaha ka Socda Mamulka Jubba-land iyo Xilka Qaadista Mas’uuliyiintii  Gobalka Gedo ay ka taagan tahay Degmada Beled-Xaawo iyo Degaano Hoostaga warar kaas oo uu ku Micneeey kuwa Been abuur ah oo aan waxtar laheyn.

Gudoomiya Ku Xigeenka Gobalka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa ugu danbeyntii waxa uu Meesha ka saaray in Gobalka Gedo qaybo ka mid ah uu ka arimiyo Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobalada koonfureed, Asagoona Cadeeyey inaysan Aqoonsaneen Jiritaanta Maamulka Ahlusuna oo Deegaanada Gobalkaas ka Dhisan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here