Dhageyso:-Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethopia oo Biyaha ka Jaray Tuulooyin Hoosyimada Degamda Balan-bale

0

Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu Eedeyey inay  Go’doomin ay ku hayaan  Deegaanka Balan-bale oo Dhaca Xaduuda Gobalka Galgaduud uu la Wadaago Maamulka Soomaalida Itoobiya Islamarkaan ay Xireen Wadooyinka laga Soo Galo Deegaankaasi

Waxaa laga Dayrinayaa Xaalada noololeed Dadka Deegaanka Balan-bale oo ay heysto Biyo la’aan Sahaydii Cunuda oo gabaabsi ku jirta, ka Dib markii Ciidamada Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay Xireen Dhamaan Wadooyinka Soo gala deegaanka oo Markii Hore ay Daruud ka la Duwan ay ka jireen.

Rujaal Axmed Maxamed oo ka Mid ah Waxgaradka Deegaanka Balan bale oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Xaalad Noololeed oo Adag ay la soo Daristay Dadka Deegaan markii Ciidamo faro badan ooo ka tirsan kuwa Dowlada deegaanka Itoobiya ay Gaadiid iyo Cuntada iyo Biyaha keeni jiray ay Xireen wadooyin ay soo Mari jireen.

Rujaal Axmed Maxamed oo Sii Hadlayey ayaa Sheegay in Dhibaatooyinka soo food saray Shacabka deegaanka Balan-bale ay Ugud biyeey Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo ay ku Horeeyeey Xafiiska Mdaxweynaha Qaranka Xasan Shekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Galmudug C/kariin Xussen Guulled hayeeshee aan wali wax Jawaab ah aysan ka heyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here