Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgal ka Sameeyay Xaafado ka Tirsan Degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa Howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo ahaa Mid qorshaysan ayaa  laga sameeyey xaafadaha ku teedsan wadada Buundooyinka gaar ahaan inta u dhexeysa Suuqa beerta illaa buundada Ceelgaab ayaa waxa lagu soo qabqabtay boqolaal dhalinyaro ah oo lagu guray gaadiidka waaweyn ee shabaqlayaasha, waxaana loo daad gureeyey xarumaha ciidanka NISA.

Ilaa hadda lama ogo Tirada ay Ciidamada Nabad sugida ay ku qabteen Howlgalkii xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ee magaalada Muqdisho, iyadoo la xasuusto in degmooyinkaas ay ka dhaceen maalmihii dambe dilal loo geysto dad xiriir la leh dowlada soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here