Dhageyso:-Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland oo Lagu Eedeeyay in Musuq Maasuq ay ku Sameeyeen Deeq Raashin ah

0

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulka Puntland ayaa  Sheegay inay Baaritaan ay ku Hayaan Xubno ka Tirsan Maamulka Puntland oo lagu Eedeeyey in Musuq Maasuq ay ku Sameeyey Deeq Raashin ah oo Dowlada Turkiga ay keentay Deegaano ka tirsan Gobalada Nugaal iyo Bari.

Cabdulcasiis  Xuseen Bile oo ka Mid ah Xubnaha Xeer ilaalinta Puntland ee Baaritaan ku Haya Kiis kaan oo Idaacada Simba la hadlay ayaa ku Hanjabay inay Cadaalada Marin Doonaan Ciidii uu ku Cadaado Musuq-masuqa la sheegay in lagu Sameeyey Gargaarkii loogu talo galay Deegaanada lays ku yiraado Gardafuu ee Maamulka Puntland.

Hadalka ka soo Baxay Xafiiska Xeer ilaalinta Maamulka Puntland ayaa Imaanaya ayadoo Maalmihii danbe ay soo Baxayeen War sheegaya in Musuq maasuq balaaran lagula kacay Raashin Gargaar ah oo ka yimid Wadanka Turkiga kaasi oo ay Leexsadeen Xubnihii Maamulka Puntland uu u xilsaaray inay Qaybiyaan .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here