
Taliyayaasha Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed iyo kuwa Amisom ayaa maanta Mgaalada Muqdisho ku yeeshay kaasi loogu hadlaayya dib u billaabista howlgal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga harsanyihiin qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah godoominayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo taliyaha howlgalka AMISOM Sareeya guud Cismaan Nuur Subagle.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada XDS ay hoggaaminayaan howgalka cusub ee alshabaab looga Xoreynayo Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin la dagaalanka cadawga qaranimada Soomaaliya ee xiriirka la leh Al-qaacida.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in dagaalka al-shabaab uu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah islamarkaana aysan jirin Awood ay isaga difaaci karaan howlgalka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM.
Ciidamada Dowlada Soomaliya oo taageero ka helaya Amisom ayaa Mudooyinkii dambe la wareegayay deegaano ay ku sugnaayeen al-shabaab inkastoo al-shabaab ay dib ula wareegeen deegaanadaas.





