Xildhibaan Dalxa:- “Anaga Hada Xaqiiqo Uma Hayno kulanka Madaxweynaha Soomaliya iyo Raisulwasaaraha Israel+Dhageyso

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arrimaha dibadda ee Barlamanaka Soomaaliya oo wareysi siiyay idaacada simba ayaa ka hadlay arrimaha la isla dhexmaaro oo ku aadan in uu Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud uu la kulmayo Raisulwasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu.

“Dowlada soomaliya waxa ay ka Tirsan Ururo badan oo ka dhisam Aduunyada Urur walba wuxuu leeyahay Nidaam u gaar ah uu ku dhaqmo tusaale hadaan usoo qaadano ururka Jaamacada Carabta wadamada islaamka ee kamidka ah ururka marnaba ma ogaaladaan la kulanka Madaxda Isreal anagana sidaas oo kale ayaan nahay”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee Barlamanaka Soomaaliya oo idaacada simba ay weydiisay su’aal ku aadan kulanka Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud  iyo Raisulwasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu, ayuu ku tilmaamay In ay wadaan baaritaano ku aadan hadii ay jiraan wararka arrimahaas ku aadan.

“Anaga hada xaqiiqo uma hayno oo ku saabsan in Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud  iyo Raisulwasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu, ay wada kulmayaan sida aad ogtahay wasaarada arrimaha dibadda wey beenisay wararka ay idaacada baahiyeen”, ayuu mar kale yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Dhawaanahaan waxaa la isla dhexmaraayay warar ku aadan in Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud  iyo Raisulwasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu ay wada kulmayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here