Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo Xaflad Soo Dhaweyn aheyd Loogu Sameeyay Magaalada Nairobi+Sawirro

0

Cali Gacal  Casir Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa xaflad soo dhaweyn aheyd waxaa loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee  Caasimada dalka Kenya.

Xaflada  soo dhaweynta uu soo qaban qaabiyay  Guddoomiyaha jaaliyadda Galmudug ee bariga Afrika, Axmed Xirsi Indhacadde, waxaa kasoo qeyb galay Bulshada soomaliyeed ee ku Nool Magalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,

Ugu horeyntii Guddoomiyaha jaaliyadda Galmudug ee bariga Afrika, Axmed Xirsi Indhacadde, oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin Maamulka Galmudug oo dhawaan sanad Jirsaday.

Guddoomiye Cali Gacal, ayaa jaaliyadda uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay maamulkooda muddadii sanadka aheyd ee ay dhisnaayeen, isagoo u sharraxay baahiyaha ka jira deegaanka. Wuxuu ka codsaday jaaliyadda, in ay ka qeyb qaataan olalaha lagu dhisaayo dekadda Hobyo iyo dib-u-heshiisiinta. Wuxuu uga mahad celiyay xafladda wanaagsan ee loo sameeyay.

gal_casir_1 gal_casir_2 gal_casir_4 gal_casir_5 gal_casir_6 gal_casir_7 gal_casir_8 gal_casir_9

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here