Dowlada Kenya oo Lagu Eedeeyay in ay Dad Shacab ahaa ku Dishay Koonfurta Somaliya

0

Qaramada Midoobe ayaa ku eedeysay Dowlada Kenya in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeymo ku dileen dad fara badan oo soomaliyeed oo aan waxba galabsan oo kunoolaa Koonfurta Somaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon ayaa sheegay in duqeymaha aan loo meel dayin ee dowladda Kenya ay ka wado koonfurta Somaliya in lagu dilay dad badan oo shacab ah iyo sidoo kale xoolo.

Qaraamada Midoobe waxa ay sheegtay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ku dileen 29-ruux oo xoolo dhaqato u badnaa kadib markii al-shabaab weerar ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka ceel-cadde Bishii Junuary ayagoo sheegay in ay ku dileen 100-askari oo kenyaan ahaa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon  ayaa sidoo kale Dowladda Kenya ku eedeeyay Duqeymaha inay ku bur burisay gobo ceel biyoodyo ah iyo goobo dad shacab ah ay degan yihiin oo ku yaala koonfurta dalka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here