War kasoo baxay Xarunta Qaramada Midoobe ee Magaalada Newyorka ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Santuuqa Dib u dhiska Nabadda ee Qaramada Midoobe uu si toos ah Lacag ugu deeqay Soomaaliya,deeqdaas ayaa si toos ah u gaari doonta Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Qaramada Midoobe warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in lacag dhan 2-Million loogu deeqay Soomaliya taasi oo lagu hormarinaayo kaabayaasha dhaqaalaha soomaliya iyo dib u dhiska dalka soomaliya.
Lacagaha loo deeqay Soomaliya ayaa la sheegay in lagu hormarin doono Gobolada Banaadir iyo Jubada Hoose iyadoo aan la shaacin Gobolada kale ee Xiga.
Hadalkaan waxaa soo dhaweeyay wasiirka arrimaha Dibada Xukuumada Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar oo bartiisa Twitterka kusoo qoray war kooban.

