Madaxda Dalka oo Boqollaal Dadweyne ah Salaadda Ciidda kula Dukaday Masjidka Isbaheysiga+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Wasirro, iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa boqollaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka banaadir ayaa maanta salaadii Ciida ku Dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee mgaaalada Muqdisho.

Salaada kadib Madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamud, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay dadweynihii  salaadii Ciida ku Dukaday Masjidka Isbaheysiga Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku dheeraadey ka haddalka marxaladda amni ee dalka iyo dagaalka lagula jira nabad-diidka, ayaa sheegay in shacabiga Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ilaaliyaan dadka, dalka iyo Diinta, isagoo ca,baareeyay argagixisadii weerarka ku qaaddey Masjidka barakeysan ee uu ku aasan yahay Nabi Muxamed (NNKH).

Dhanka kale Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud oo soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya ayaa sheegay in soomaliya ay qaadeyso wadadii guusha islamarkaana soomalida loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo hormarka dalka.

IMG_5873 IMG_5843 IMG_5719 IMG_5702 IMG_5701 IMG_5664 IMG_5578 IMG_5873

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here