Weeraryahanka xulka dalka Germany Mario Gomez ayaa la xaqiijiyay inta ka dhiman xili ciyaareedkaan in uu garoomada ka maqnaan doono kadib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii Italy ay ka guuleysteen.
Mario Gomez oo amah xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay ku qaatay kooxda dalka Turky-ga ee Besiktas, ayaa badal lagu sameeyay qeybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu dhaawac soo gaaray.
Macalinka xulka dalka Germany Joachim Low ayaa xaqiijiyay in xidigaha Bastian Schweinsteiger iyo Sami Khedira ay sidoo kale seegi doonaan kulanka sema-finalka ay la ciyaari doonaan midkood France ama Iceland.

