Taliska Nabad sugida Maamulka Jubba-land ayaa beeniyay in xabsiyada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose laga sii daayay rag ka tirsan Daacish.
Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Axmed Carab oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku tilmaamay wararka ay qoreen Warbaahintaasi inay been abuur yihiin oo aysan waxba ka jirin.
“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo in ciidamada Jubbaland aysan xabsiga ka sii daynin rag ka tirsan Daacish oo tiradooda lagu sheegay 7 ruux, Wararkaasi oo ay qoreen qaar ka tirsan Warbaahinta Somalida, marka waxaan leeyahay arintaasi waa been waxba kama jiraan.” Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland.
Dhanka kale Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Axmed Carab ayaa beeniyay in Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Jubba-land in lagu xiray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

