Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday saxiixa cusub ee xili ciyaareedkaan wuxuuna Noqday weerarkii Hore ee kooxda Marseille Michy Batshuay.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka ayay kooxda Galbeedka London ka dhisan kula soo wareegtay aduun dhan €40 million.
Michy Batshuay. Ayaa xiran doona Numberka 23-aad uu dhawaan qaatay weeraryahanka amaahda kaga Maqan Blues-ka ee Juan Cuadrado.
22-jirkaan ayaa xili ciyaareedkii soo dhamaaday kooxdiisa u dhaliyay 17-Gool 36-kulan uu kasoo muuqday sidoo kale waxaa lala xiriirinaayay kooxaha Tottenham, Juventus iyo West Ham laakin waxaa la wareegtay kooxda Chelsea.

