Maamulka Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku warbixiyay dad ku soo waxyeeloobay madaafiic lagu gaaracay Xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Agaasimaha isbitaalka Magaalada Baydhabo C/fitaax Ibraahim Xaashi oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in 19-qof la keenay isbitaalka islamarkaana dib loo celiyay 4-qof oo dhaawacyadoo ay yihiin kuwa aad u fudud.
“Guud ahaan isbitaalka Magaalada Baydhabo waxaa la keenay 19-ruux 15-kamid ah waa la seexiyay kadib markii ay dhaawacyadooda noqdeen kuwa daran 4-ruux dib ayaa loo celiyay kadib markii dhaqaatiirta ay sheegeen in xaaladooda ay wanaagsan tahay”, ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Dhanka kale Ilaa had ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada Madaafiicda lagu gaaracay Madaxtooyada iyo Xaafadaha ku yaala Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.






