Sheekh Dr. Aymen Al-Dawaahiri Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda oo Fariin Maqal aheyd soo duubay ayaa ka hadlay dagaalada ka socda Soomaliya ay wadaan Xarakada Al-shabaab.
Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda ayaa Fariintiisa Maqalka aheyd ku amaanay Hogaamiyaasha Al-shabaab iyo Ciidamadooda sida ay dagaalka ugala soo horjeedaan Ciidamada dowlada Soomaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Al Qaacidda waxay Xarakada Al Shabaab ugu baaqday in ay sare u qaaddo weerarada ka dhanka ah Ciidamada Midowga afrika ee AMISOM iyo dowladda Federaalka Soomaliya ee ka socda magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
“Walaalaheyga Mujaahidiinta geesiga Afrika waxaan ugu hambalyaynayaan howlgalladooda barakaysan ee Muqdisho iyo Kenya ay ka wadaan”ayuu yiri Dr.Aymen Al-dawaahiri Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda.
Fariintaan Maqalka aheyd ee Hogaamiyaha Ururka Al Qaacidda Sheekh Dr. Aymen Al-Dawaahiri usoo direy Xarakada al-shabaab ayaa kusoo beegmayasa xili ay Shabaab sii kordhiyeen weerarada ay la beegsadaan Saldhigyada Ciidamada dowlada Soomaliya iyo Kuwa AMISOM.

