
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in soomaliya ay ka Taageerayso Doorashada ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka si dalka uu noqdo dalka Dimuqraadi Ah.
Xoghaya Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, oo war kooban xafiiskiisa kasoo saaray ayaa ugu horeyntii shacabka soomaliyeed ugu hambalyeeyay 56 sana guuradii ka soo wareegatay markii Soomaaliya ay xurnimada qaadatay, koowdii July ee 1960-kii.
Warka Xog-haye Kerry, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabbaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.
Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanku uu ku faraxsan yahay in si rasmi ah safaaraddii Soomaaliya ee Washington dib loo furey November-tii tagtay, iyadoo sidaasi si la mid ahina ay Mareykanku Soomaaliya u dirayaan danjirahoodii muddo 25 sano kadib.
