Dawlada Bangaladesh ayaa sheegtay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay weerar ku qaadeen maqaayad ay qabsadeen rag hubaysan oo la sheegay in ay katirsayihiin kooxda Daacish.
Mizanur Rahman agaasimaha ciidamada gurmadka Deg Dega ah ee Bangaladesh ayaa tilmaamay in ciidamada Kumaandoosta ay weerar ku qaadeen maqaayadaas si ay u soo furtaan dadka halkaas ku go’doonsanaa hadalkaan ayuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuter xili uu lahadlayay.
Kooxda daacish ayaa dabarka u ridatay mas’uuliyada weerarkaas waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 24,balse booliska ayaa hadalkaas beeniyay waxaana uu sheegay in 2 ka mid ah ciidamada Booliska ay ku dhinteen weerarkaas.
.















