Lix Qof oo Lagu Dilay Weerar  Al-shabaab ay ku Qaadeen Magaalada Mandheere

0

Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku dhimatay kadib markii dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay rasaas ku fureen Labo Bus oo marayay Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Busaska ayaa lagu rasaaseeyay deegaanada u dhaxeeya Wargadud iyo  Elwak ee Magaalada  Mandera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Xiriiriyaha Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya Mohamed Saleh ayaa warbaahinta u sheegay in lix ruux lagu dilay falkaan islamarkaana ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay weerar oo la geeyay isbitaalka Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Mas’uuliyada weerarka ka dhacay Magaalada Mandheera waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here