Dowlada Baxreyn oo Soomaliya ugu Hambalyeysay Munaasabada 1-Luuliyo

0

Boqor Amiir Salmaan binu Xamda Aala khaliifa oo ah dhaxal sugaha dowlada Baxreyn ayaa hambalyo furan usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo umadda Soomaaliyeed isagoona sheegay in uu ugu hambalyeenayo munaasabadda 1-da luuliyo.

Dhaxal sugaha baxreyn ayaa tilmaamay in munaasabadda ay kamid tahay maal-maha muhiimka u ah umadda Soomaaliyeed isagoona Soomaaliya u rajeeyey in ay guul ka gaarto Doorashada soo socota.

“Xornimadu waxa ay kuu mujineynaa in aad arimahaaga u madax banaan tahay sida: Siyaasadda, Dhaqaalaha, Hormarka iyo wax la qeybsiga wadamada hor maray” ayuu yir Amiir Salmaan Binu Xamda Aala Khaliifa oo ah dhaxal sugaha Wadanka baxreyn.

Waa uu sii hadlay isagoona yiri: “Fariintaani waxaa si toos ugula wadaagayaa Bulshada iyo Madaxda dalka anigoo dareensan Qiimaha ay maalintaani leedahay” ayuu Markale yiri dhaxal sugaha baxreyn.

Ugu dambeyn Boqor Amiir Suldaan Binu Xamda Aala Khaliifa waxa uu guud ahaan soomaalida uu kula dar-daarmay in ay marwaliba ku dadaalaan is jecleysiga, walaaltinimada iyo ka shaqeynta sidii dalka loosoo hormarin lahaa.

Hambalyadaani ayaa imaaneysa xili maanta ay ku beegan tahay 1-da Luuliyo oo umadda Soomaaliyeed u dabaal degayaan munaasabadda xornimadii Gobolada koofurta iyo israacii labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here